My Thoughts

"power concedesnothing without a demand. But power won't even concede to a demand if the demand is coming from a weak constituency that looks like they lost their testicular fortitude."

Warsaxaafadeed Shirwayne Beesha Habarcafaan Ee Sweden



Shirwayne balaadhan oo caawa ay iskugu yimadeen 12 ka qabiil ee ay ka koobantahay bahweynta beesha habar cafaan (samaroon) ayaa ka dhacay caasimada dalka Sweden ee Stockholm .

Shirkan waxa ka horeeyay shirar dhowr ah ooh ore uga qabsoomay meelo badan oo ka mida gobolada Sweden kaasoo loogu gogol xaadhayay sidii uu u qabsmoomi lahaa sidii u qabsoomi lahaa shir waynahan caawa.

Shirkan oo ahaa mid si wayn loo soo qaban qaabiyay mudo na laga shaqaynayay dhamaana la iskaga yimiday degmooyinka iyo gobolada ay ka kooban tahay Sweden ayaa waxa kasoo qayb galay dad aad u faro badan oo kala ah Aqoonyahano , Odayaal, Dhalinyar,Siyaasiyiin,haween, Iyo waxgarad . shirkan oo socday mudo dhowr saacadood ah ayaa waxa lagaga wada hadlay arimo dhowr ah . kuwaas oo lagaga wada tashanayay mustaqbalka iyo ayaaha beesha , taasoo si aad ah looga wada hadlay danaha gaar ahaaneed ee beesha habarcafaan iyo danaha guud ee beesha samaroon.

Intaa ka dib waxa hadalo soo jeediyay odayaasha beesha oo ka sheekeeyay sooyaalka iyo taariikhdii soo jireen ka ahayd ee beesha iyo marxalada manta ee beesha. Iyagoo usoo jeediyay talooyin siyaasiyiintii iyo aqoonyahanadii iyo dhalinyartii beesha ee ku sugnayd shirka . Una carabaabay sida manta loogu baahanyahay is badal wayn in lagu sameeyo arimaha beesha .

Dhanka kale waxa ka hadlay siyaasiyiinta iyagoo ku dheeraaday qodob kii ay ka dhawaajiyeen odayaasha beeshu ee ahaa sida is badal loogu baahan yahay xag siyaasadeed iyo horumarba . falanqayb iyo wada tashi ka dib waxa la isla gartay qodobo dhowr ah oo lagu dar dar galinayo arimaha siyaasada ee beesha . Waxa iyaguna hadalo soo jeediyay aqoonyahanadii iyo dhalinyartii iyo wax garadkii shirka ka soo qayb galay iyagoo dhamaantood soo jeediyay hadalo guubaabin ah kana midaysmay wax ka badalka arimaha beel waynta habarcafaan kuna dhiiri galiyay sidii dhalinyarta beeshu u dhisi lahayd mustaqbalkooda iyo aqoontooda , Maalgashi iyo horumarna loogu samayn lahaa dalka si loo sameeyo shaqo abuuris .

Ugu dambayntii waxa la isla gartay in dhamaan qurbajooga beesha habarcafaan ee qurbajooga ahi iskugu yimaadeen shir lagaga tashado muqtaqbalka iyo aayaha beesha .

Shirka caawa wuxuu ku dhamaaday jawi fiican iyo is afgarasho.

Afhayeenka Beesha Habarcafaan Sweden
Abdirasaaq Abdi Ahmed Cige


Home